Madaxweynaha Somaliland oo maanta qubad ka hor jeediyey golaha barlamanka somaliland

0
44

kulaMadaxweyn aha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta labadda gole Baarlamaan (Golaha Wakiiladda iyo Guurtidda) ka jeediyey khudbad sanadeedkii 2013, kaas oo uu kaga waramay wixii u qabsoomay mudadaasi iyo mustaqbalka waxa u qorshaysan.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay aqoonsiga Maraykanku siiyey Soomaaliya, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday iyo madax banaanidda Somaliland.

” Waxa ay Xukuumadu sugtay Amaanka Goobihii Cod-bixintu ay ka dhacaysay oo ka badnaa 1800 oo goobood Si doorashu u noqoto mid xor oo xalaal ah.Iyadoo xukuumad ahaan nalaga sugayey dhaqaalaha doorashada ku baxaya 25% ayaa waxaanu bixinay 33% iyadoo weliba aanu ururadii tartamayey gacan ka siinay gaadiidka muraaqibiinta ay ku qaadayeen oo aanu ka bixinay kharash ka badan Hal Bilyan oo Shillinka Somaliland ah (1000,000,000)”ayuu yidhi madaxweynuhu mar uu ka hadlayey qaabkay doorashadii golaha deegaanka u suurtogaliyeen.

Mar uu ka hadlayey dhaqaale kordhinta waxa uu yidhi “waxanu dhaxalnay khasnado madhan iyo deyn culus.Miisaaniyadii 2010 ee aanu la wareegnay waxay ahayd $50 Milyan oo Dollar, Sanadkan 2013Miisaaniyada Dawlada Dhexe waxay dhamayd $125 Miliyan oo Dollar,Miisaaniyadda Guud ee Qaranku waxay ahayd (1.Trillioniyo dheeraad oo shillinka SL ah oo dhiganta $174, Millayn oo dollar)”,.

” Waxaanu kordhinay ciidamada meleteriga tiro gaadhaysa 1800 askari,Waxaanu kobcinay Tababarradooda, Taakulayntooda iyo Qalabayntooda, iyada oo aanu u kordhinay Gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu ku hawl galaan.

Madaxweynuhu waxa u sheegay inay sanadkan jaamacada dalka ka qalin jabiyeen 6,646 Arday, kuwaas oo u baahan in la hawlgaliyo, isla markaana shaqo helaan, haseyeeshee ay tiradaasi muujinayso inay la dagaalameen jahliga, isla markaana ay korodhay waxbarashadii dadweynaha Somaliland.

Mar uu ka hadlayey madax banaanidda Somaliland waxa uu yidhi “Dawlada cusub ee Somalia waxaan jecelahay inay inoo dhexayso cilaaqaad fiican, waxaanu cid walba u sheegayna dalkan Somaliland dawlad uma aha, mana xukunto, waxaynu dawladnimadeenii dib ulasoo noqonay sannadkii 1991-kii, maanta waxaynu ku hawlanahay horumarinta dalkeena iyo aqoonsi aynu ka helo dunida”,waxaanu intas ku daray “Dawlada Somalia iyo dadkeeda waxaynu ka rajaynaynaa inay garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u leenahay, mana jirto cid jujuubi kartaa”.

“Ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada cusub ee Somalia, arintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya mana aha wax cusub ee weligeedba dawlada Maraykan way Ictiraafsanayd Somalia balse waxay iminka agolaadeen maamulkan cusub. Anaguna kama xumin xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida u kordhaya iyo inay nabadgelyo iyo horumar gaadhaan oo wax dhistaan”.

Isagoo ka hadlay dhawaaqii ingiriiska ka soo yeedhay waxa uu yidhi “Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda kasoo yeedhay ee lagu sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay”.

Madaxweynuhu waxa si gaar ah ugu mahadnaqay gudoomiyeyaashii ururadoodu hadheen ee aqbalay natiijadii doorashooyinka , sidoo kale waxa uu sheegay in aanu doonayn in hal maalin xilkiisa loogu kordhiyo marka ay mudaddu ka dhamaato, isagoo xusay in doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxtinimada mid waliba wakhtigeeda qaban doono.

Madaxweynaha ayaa markii uu baarlamaanka ka soo baxay waxa wadada ku hor sugayey boqolaal qof oo ka mudaharaadayey hadalkii Ingiriiska wax kaga sheegay amniga Somaliland, waxaanu madaxweynuhu la lugeeyey dadweynahaasi.

Daafeet.Com