Raysulwasaraha Somaliya oo manta xafiiskiisa kula kulmey wafdi ka socda Qaramada Midoobey

0
38

shirdonR/wasaaraha Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo maanta Muqdisho socdaal ku yimid.

Kulankaan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa xafiiska R/wasaaraha dalka ku yeeshay R/wasaare Saacid oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada iyo wefdi ka socda Q.M uu hogaaminayay kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery feltman.

Wefdiga ka socday Qaramada Midoobay waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee xighayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ambassadoor Mahiga iyo saraakiil kale.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon iyo madaxa wafdiga Q.M hogaaminayay Mr Feltman .

R/wasaarah ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka siyaasadeed oo ay damacsantahay xukuumadda Soomaaliya iyo kaalinta ay Q.M ka qaadan karto caawinta Soomaaliya.

Sidoo kale Kaaliyaha xoghayah guud ee Q.M u aqaabilsan siyaasadda Mr Feltman ayaa xusay in kulankan uu daba joogo kulankii uu dhawaan Addis ababa kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh xog’hayaha Q.M Banki muun.

Daafeet.Com