Catherine Ashton iyo Madaxweynaha somaliya oo shir jaraid wada qabtey

xasaWakiilka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Baroness Catherine Ashton iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wada-jir ah waxay shalay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels ku qabteen shir jaraa’id oo looga hadlayay kulan dhex maray madaxda Midowga Yurub iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Catherine Ashton waxay bogaadisay ummadda Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay naftooda u hureen sidii ay ugu bixi lahaayeen xayndaabka qalalaasaha iyo xasilooni darrada.

Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu garab istaagay shacabka Soomaaliyeed 20-kii sano ee la soo dhaafay, uuna garab istaagi doono mustaqbalka.

Waxay intaas raacisay inay wadaan qabanqaabada shirweyne dhowaan lagu qaban doono Brussels oo taageero siyaasadeed, mid amni iyo mid horumarineed loogu raadinayo Soomaaliya.

Waxay tilmaamtay in shirweynaha ay isugu imaan doonaan xubno ka tirsan bulshada caalamka, si taageero loogu yabooho dowladda cusub ee Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Catherine waxay u xaqiijisay madaxweynaha Soomaaliya inuu isku hallayn karo in Midowga Yurub uu sii ahaan doono saaxiibka mustqabalka fog ee Soomaaliya, iyadoo intaas raacisay inay ku faraxsan tahay imaanshaha wafdiga madaxweynaha ee xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

 


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...