Catherine Ashton iyo Madaxweynaha somaliya oo shir jaraid wada qabtey

0
52

xasaWakiilka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Baroness Catherine Ashton iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wada-jir ah waxay shalay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels ku qabteen shir jaraa’id oo looga hadlayay kulan dhex maray madaxda Midowga Yurub iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Catherine Ashton waxay bogaadisay ummadda Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay naftooda u hureen sidii ay ugu bixi lahaayeen xayndaabka qalalaasaha iyo xasilooni darrada.

Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu garab istaagay shacabka Soomaaliyeed 20-kii sano ee la soo dhaafay, uuna garab istaagi doono mustaqbalka.

Waxay intaas raacisay inay wadaan qabanqaabada shirweyne dhowaan lagu qaban doono Brussels oo taageero siyaasadeed, mid amni iyo mid horumarineed loogu raadinayo Soomaaliya.

Waxay tilmaamtay in shirweynaha ay isugu imaan doonaan xubno ka tirsan bulshada caalamka, si taageero loogu yabooho dowladda cusub ee Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Catherine waxay u xaqiijisay madaxweynaha Soomaaliya inuu isku hallayn karo in Midowga Yurub uu sii ahaan doono saaxiibka mustqabalka fog ee Soomaaliya, iyadoo intaas raacisay inay ku faraxsan tahay imaanshaha wafdiga madaxweynaha ee xarunta Midowga Yurub ee Brussels.