Wefdi uu hogaaminaayo Reysuwasaaraha oo maanta booqdey Magalada Marka

breaking nWafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa waxa kamid ahaa wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi, wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta mudane Max’uud Xasan Suleymaan, taliyaha ciidamada xoogga dalka S/gaas Xasan C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha hay’adda nabadsugidda qaranka Eng: Axmed Macalim Fiqi, taliyaha ciidamada booliska Shariif Sheekhunaa Maye, saraakiil ciidan, iyo xubno kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sidoo kale sii mareen deegaanka Shalaanbood iyo deegaano kale oo dhowr ah oo katirsan gobolka shabeelaha hoose.

Wafdigii uu horkacayay ra’isul wasaaraha ayaa markii ay gaareen magaalada Marka waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Marka, odoyaal, waxgarad iyo dhalinyaro.

Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda maamulka degmadaasi iyo qebaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha Hoose.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdisalaan omar ahmed says:

    Waxaa hambalyo udirayaa wariyaasha ka shaqeyo wabseetka daafeet.com




Wararkii U Danbeeyay

australia SHIR LOOGA SOO HORJEEDO DHISMAHA DOWLAD KU SHEEGA JUBALAND
- May 19, 2013
Waxaa magaaladda Melbourne, Australia lagu qabtay shir oo ka soo qayb galeen guddiga maamulka ...
phone Qurbo joogta Digil oo ka jawaabtey gudiga uu sameeyey Shariif Maxamed
- May 18, 2013
Shaley gelinkii dambe aya qadka telfoonka waxaa kula ku yeeshey odayaal iyo indheer garad ...
odoyaal dm Odayaal iyo xildhibaano kasoo jeeda Gobolada koonfurta somaliya oo booqdey xerooyinka barakacayasha
- May 18, 2013
Odayaal, Suldaano iyo xildhibaano kazoo jeeda Gobolada koofurta somaliya ayaa booqdey xerooyinka barakacayasha ayagoo ...
kism Wafdi ka socdey Igad oo kol dhow gaarey Magalada Kismaanyo
- May 18, 2013
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray ...
ahlusuna Maamulka Ahlusuna ee Gobolka Gedo oo sheegey iney dileen 12 ka mid Alshabab
- May 18, 2013
Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal shalay galinkii dambe ka ...