Wefdi uu hogaaminaayo Reysuwasaaraha oo maanta booqdey Magalada Marka

0
43

breaking nWafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa waxa kamid ahaa wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi, wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta mudane Max’uud Xasan Suleymaan, taliyaha ciidamada xoogga dalka S/gaas Xasan C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha hay’adda nabadsugidda qaranka Eng: Axmed Macalim Fiqi, taliyaha ciidamada booliska Shariif Sheekhunaa Maye, saraakiil ciidan, iyo xubno kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sidoo kale sii mareen deegaanka Shalaanbood iyo deegaano kale oo dhowr ah oo katirsan gobolka shabeelaha hoose.

Wafdigii uu horkacayay ra’isul wasaaraha ayaa markii ay gaareen magaalada Marka waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Marka, odoyaal, waxgarad iyo dhalinyaro.

Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda maamulka degmadaasi iyo qebaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha Hoose.

Daafeet.Com