Wasiirka Arimaha dibada dalka somaliya oo ka hadashey xiriirka Somaliya iyo Shinaha

fowsiyoWasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Haji Adan ayaa si weyn waxay kaga hadashay xariirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dowlada Shiinaha,iyadoo xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ku tilmaamtay mid wanaagsan.

Hadalkaan ayay wasiirada ka sheegtay kadib wareysi qaas ah oo ay siisay wakaalada wararka dalka Shiinaha (Xinhua),waxayna shaaca ka qaaday in marka laga soo tago xariirka Shiinaha iyo Soomaaliya,dowlada Shiinaha wax badan ay u qabteen umada Soomaaliya iyo dalkaba.

“Dowlada Shiinaha waxaana ahayn saaxiib wanaagsan laga soo bilaabo 1960s,markaasi shinaha qeyb ka aheyn golaha ammaanka,waan caawinay Shiinaha,waxaan u olalleynay in uu qeyb ka noqdo wadamada Qaramada Midoobay xubnaha ka ah.”ayay tiri Fowsiyo.

Sidoo kale Wasiirada arimaha dibada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay carabka ku adkeysay in Shiinaha uu ka tirsan dowladaha sida weyn u kaalmeeyay Soomaaliya,iyadoo haatana sheegtay inay intaasi ka sii dheereynayaan.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

pir Burcad badeed aad u tiro badan oo ku xiran xabsiga Jaziirada Shiishalis
- May 19, 2013
Warbixin ay ka diyaarisay BBC-da ayaa lagu sheegay in ka badan 1000 dhalinyaro oo ...
Wafdi gad Wafiga ka socda Igad oo shirar goni goni ah la yeelanayo siyasiyiinta Jubooyinka
- May 19, 2013
Wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo ...
australia SHIR LOOGA SOO HORJEEDO DHISMAHA DOWLAD KU SHEEGA JUBALAND
- May 19, 2013
Waxaa magaaladda Melbourne, Australia lagu qabtay shir oo ka soo qayb galeen guddiga maamulka ...
phone Qurbo joogta Digil oo ka jawaabtey gudiga uu sameeyey Shariif Maxamed
- May 18, 2013
Shaley gelinkii dambe aya qadka telfoonka waxaa kula ku yeeshey odayaal iyo indheer garad ...
odoyaal dm Odayaal iyo xildhibaano kasoo jeeda Gobolada koonfurta somaliya oo booqdey xerooyinka barakacayasha
- May 18, 2013
Odayaal, Suldaano iyo xildhibaano kazoo jeeda Gobolada koofurta somaliya ayaa booqdey xerooyinka barakacayasha ayagoo ...