Dagaalo culus oo xaley ka dhacay degmada Baledweyne

dagalDagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii xogagga ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo dulleedka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku lahaayeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgallka midowgga Africa AMISOM iyo saldhiga ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka joogeen Buundada-Liqlaqto ee isku xirta xaafaddaha Howl-wadaag iyo xaafaddaha kale ee magaalada.

Taliyaha ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xoog leh la gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay kooxihii weerarka soo qaaday.

Mar wax laga weydiiyay waxaa uu ka og-yahay khasaaraha ka dhashay dagaallkii xalay, waxaa uu sheegay in in uu arkay tiro meydad ah oo ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday, isaga oo intaa ku darray in dhinacooda uu dagaallka kaga dhaawacmay labo askari oo kaliya.

Ma jiro wax war ah oo ay dhinaca Al-shabaab ka soo saareen dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...
kenyan Kenya oo laga dalbadey iney dib u furto Diiwaan gelinta Qaxootiga
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday in ay dib u bilowday diiwaan gelinta ...
baritan Howlgalo lagu sugaayo Amanka oo beryahan ka socda Awdiinle
- May 24, 2013
Howgallo baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka ...
sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...