Dagaalo culus oo xaley ka dhacay degmada Baledweyne

0
40

dagalDagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii xogagga ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo dulleedka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku lahaayeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgallka midowgga Africa AMISOM iyo saldhiga ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka joogeen Buundada-Liqlaqto ee isku xirta xaafaddaha Howl-wadaag iyo xaafaddaha kale ee magaalada.

Taliyaha ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xoog leh la gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay kooxihii weerarka soo qaaday.

Mar wax laga weydiiyay waxaa uu ka og-yahay khasaaraha ka dhashay dagaallkii xalay, waxaa uu sheegay in in uu arkay tiro meydad ah oo ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday, isaga oo intaa ku darray in dhinacooda uu dagaallka kaga dhaawacmay labo askari oo kaliya.

Ma jiro wax war ah oo ay dhinaca Al-shabaab ka soo saareen dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Daafeet.Com