Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo booqasho ku yimid Dalka Ingiriiska

0
88

xas londMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu maalmihii tegay ku sugan Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu kulamo kula lahaa madaxda sare ee Midowga Yurub oo madaxweynaha casuumaad u fidiyay, kuwaasi oo ay ka wada hadleen bogga cusub ee Soomaaliya u furmay iyo xiriirka labada dhinac iyo sida Midowga Yurub uu u taageeri karo Soomaaliya.

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa ayaa waxaa ey kusoo beegmeysaa kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay.” Cilaaqeed-keenii jiray ayaan rabaa in-aan dib u soo celino” Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska .

Daafeet.Com