Wariye Cabdicasiis Koronto…..Imtixaan maanta horyaalo Cadaalada Soomaaliya!

KorontoWaxaa maanta oo Sabti ah laga dhul sugayaa waxa kasoo bixi doono Maxkamadeynta Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto oo loo haysto inuu been abuur ka sameeyay arimo la xiriira kufsi sida lasheegay ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ay u gaysteen Haweeney ka mid ahayd Barakacayaasha kunool xaafada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Eedan loo haysto Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto ayaa dhowr jeer maxkamadu dib u dhigtay kadib kolkii denbi oogayaashu ay soo bandhigi waayeen cadaymo la qaadan karo sidoo kale ayaa Eedan loo haysto Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto waxay u muuqataa mid dhanka Dowlada aad looga siyaasadeeyay isla markaan aan loo kala harin ka hadalkeeda sida Madaxweynaha,Ra’isulwasaaraha,Wasiirka Cadaalada,Taliyaha Booliiska,Xaaska Ra’isulwasaaraha iyo mas’uuliyiinkale oo dhanka dowlada ah intubana waxay Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto ku xukumayeen inuu dembi galay ka hor inta aan maxkamaduba maxkamadayn halka ururada Suxufiyiinta,Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS,ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Bani’aadamka iyo waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeedna ay il gaar ah ku eegayaan qaabka ay u dhacayso maxkamada Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto iyagoo marar badan maxkamada u diray fariimo ku aadan in wariyuhu uu helo maxkamad caadil ah.

cadaaladaDhanka kale Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka oo maxkamadan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto uu u xiran yahay Been abuur xaqiiqda ka fog oo uu sameeyay

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto ayaa loo heystaa in uu Jabiyay qodobka 269aad oo ku aadan in meel uu uga dhacay Sumcadda hay’ad ka mid ah hay’adaha dowladda taasi oo la xiriirta warbixin lagu daabacay Bogga uu TV Al-Jazeera uu ku leeyahay gudaha Shabakada macluumaadka caalamiga ah 6 Bishii Jan 2013.

 

Daafeet.Com

 

 


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...
kenyan Kenya oo laga dalbadey iney dib u furto Diiwaan gelinta Qaxootiga
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday in ay dib u bilowday diiwaan gelinta ...
baritan Howlgalo lagu sugaayo Amanka oo beryahan ka socda Awdiinle
- May 24, 2013
Howgallo baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka ...
sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...