Golaha Amanka ee Qaramada Midoobey oo ka tashanaya sidii Somaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran

uniteGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka fikiraya qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo 1992-kii, si dowladda cusub ay awood ugu yeelato inay dhisto ciidamo awood leh oo uu dalku yeesho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa sheegay in dedaallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo horumariyo Ciidamada Qaran ee Soomaaliya, sidaas darteedna Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo, isla markaana uu ka fikirayo codsigii dowladda ee ahaa in xayiraadda hubka laga qaado dalka.

Waxa uu ka digay in qas-wadeyaasha la siiyo fursad ay ku soo noqdaan, si aanay taas u dhicinna waxa uu sheegay inay tahay in la feejignaado.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya saartay xayiraadda hubka, si loo yareeyo dhiigga ku daadanayay dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii xukunka laga tuuray dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Barre.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

xildhinaada Xildhibanada barlamanka oo mar kale Kalsoonida siiyey Xukuumada Mooshinkiina daaqada ka saarey
- May 22, 2013
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida ...
AU_&_Somalia_1 Ra’iisul wasaaraha Dalka Somaliya oo maanta la kulmey Wakiilka Midowga Africa u qabilsan Somaliya
- May 22, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ...
mooshin Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
DSC03383 Maamulka Gobolka Bay oo la gudoonsiiyey Diyarado yar yar oo iyaga is wada
- May 22, 2013
Gelinkii dambe ee shaley ayaa waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo wafuud heer caalami ah. Wafuudan ...
barlaman Xildhibanada Barlamanka oo maanta ka doodi doona Moshinkii dhawaan la horgeeyey Barlamanka
- May 22, 2013
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ey ka doodaan mooshin ka dhan ...