Golaha Amanka ee Qaramada Midoobey oo ka tashanaya sidii Somaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran

0
35

uniteGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka fikiraya qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo 1992-kii, si dowladda cusub ay awood ugu yeelato inay dhisto ciidamo awood leh oo uu dalku yeesho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa sheegay in dedaallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo horumariyo Ciidamada Qaran ee Soomaaliya, sidaas darteedna Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo, isla markaana uu ka fikirayo codsigii dowladda ee ahaa in xayiraadda hubka laga qaado dalka.

Waxa uu ka digay in qas-wadeyaasha la siiyo fursad ay ku soo noqdaan, si aanay taas u dhicinna waxa uu sheegay inay tahay in la feejignaado.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya saartay xayiraadda hubka, si loo yareeyo dhiigga ku daadanayay dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii xukunka laga tuuray dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Barre.

Daafeet.Com