Dowlada Kenya oo sheegtey in ay Duqeymo u geysatey gobolka Gedo

0
35

diyaarad-dagaal1Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.

Afhayeenka milteriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay gubeen saddeex gaari oo ay ku rarnaayeen rasaas, laguna gubay duqeyntaas saldhig ay Al-shabaab ku lahayd meel ku dhow degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

“Dadka dhintay waxaa ku jiray sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo lagu magacaabi jiray, Sheekh Nuur Dheere. Waxaana la rumeysan yahay in sarkaalkan uu ka dambeeyay weerarro Qaraxyo ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo,” ayuu yiri Col. Oguna.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo sannadkan cusub ay ciidamada Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Daafeet.Com