Dowlada Kenya oo sheegtey in ay Duqeymo u geysatey gobolka Gedo

diyaarad-dagaal1Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.

Afhayeenka milteriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay gubeen saddeex gaari oo ay ku rarnaayeen rasaas, laguna gubay duqeyntaas saldhig ay Al-shabaab ku lahayd meel ku dhow degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

“Dadka dhintay waxaa ku jiray sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo lagu magacaabi jiray, Sheekh Nuur Dheere. Waxaana la rumeysan yahay in sarkaalkan uu ka dambeeyay weerarro Qaraxyo ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo,” ayuu yiri Col. Oguna.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo sannadkan cusub ay ciidamada Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

xildhinaada Xildhibanada barlamanka oo mar kale Kalsoonida siiyey Xukuumada Mooshinkiina daaqada ka saarey
- May 22, 2013
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida ...
xildhi Maxaad ka taqaanaa shaqsiyaadka Qas-wadayaasha ah ee waday Mooshinkii Dhicisoobay.?
- May 22, 2013
Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay  khal ...
AU_&_Somalia_1 Ra’iisul wasaaraha Dalka Somaliya oo maanta la kulmey Wakiilka Midowga Africa u qabilsan Somaliya
- May 22, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ...
mooshin Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
DSC03383 Maamulka Gobolka Bay oo la gudoonsiiyey Diyarado yar yar oo iyaga is wada
- May 22, 2013
Gelinkii dambe ee shaley ayaa waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo wafuud heer caalami ah. Wafuudan ...