wp_flash_img_show will display here (config: default)
Xasan Aadan

Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo qurba joogta ugu baaqey iney dalka dib ugu laabtaan

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Britain ayaa ugu baaqay Soomaalida dibadaha ku nool inay dib ugu laabtaan dalkooda, si ay uga qaybqaatan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaankiisa.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Soomaalida ganacsiga ku haysata dalalka ku yaalla qaaradaha dunida in looga baahan yahay inay dalkooda geeyaan si ay uga faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Isbedel ballaaran ayaa ka jira, isbedelkuna wuxuu u baahan yahay in laga wada-qayb qaato,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo intaas ku daray in Soomaalida dibadaha jooga aysan sugin in dalkooda loo xasiliyo, balse looga baahan yahay inay qayb ka qaataan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in kaalmooyinka dibadda ay ka helayaan aysn waxba u tarayn haddii aysan Soomaalidu gacan ka geysan sidii ay dalkooda dib u dhis ugu sameyn lahaayeen.

Mudane Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dalka Britain isagoo kala hadli doona shirka lagu qabanayo bisha soo socota magaalada London, kaasoo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii U Danbeeyay

muq Dhegayso..Reer Muqdisho oo ka horyimid in lahoos geeyo magaalada Gobol beeleed.
- Mar 30, 2015
          Gobalka Banaadir oo lagu qasbayo inuu raaco maamulka loo samaynayo gobalada Shabeelaha Dhexe iyo ...
ahlu Dhegayso..AhluSunada gobolada KoonfurGalbeed oo diiday isku dhafka Ciidamada
- Mar 30, 2015
          AhluSunada gobolada KoonfurGalbeed ee Lixda ah ayaa diidmo kala hortimid war kasoo yeeray Dowlada ...
been Dhegayso..Ergada beesha Mariixaan oo filawaa ku noqotay saamiga ay ka helidoonaan baarlamaanka Juba
- Mar 30, 2015
Maalmahii ugu dambeeyey ayaa magaalada Kismaayo waxaa ka soconayey shirar iyo kulamo halkaasi ay ...
xasan iyo bank Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo La Kulmey Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe
- Mar 30, 2015
Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee waddanka ...
sakiin Daawo Videowgan:- Maamulka Shariif Xasan Ma Wuxuu Noqdey Kelinka Lexdaad ee Ethiopia
- Mar 30, 2015
Waxaa maalintii shaley magalada baydhabo ka dhacay sagootin loo sameeeyay qaar ka mid ah ...