Maxkamada Gobolka Banadir oo maanta dib u dhigtey dacwadii lagu soo oogey Wariye C/casiiis Koronto

Cabdicasiis-KoronoMaxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.

Xeer-ilaaliyaha maxakmadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dacwadda dib loo dhigay illaa maalinta Talaadada ah ee soo socota, kaddib markii la waayay markhaatiyaal ku filan, dibna loo dhigay illaa shanta bishan.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in wariye C/casiis uu faafiyay warar been ah, sidoo kale haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay inay been abuur sameysay inkastoo haweeneyda ay ku adkeysanayso in la fara-xumeeyay.

Wariye C/casiis Koronto iyo eedeysanayaasha kale ayaa iyaguna diiday inay qabaan dacwadda lagu soo oogay, iyadoo qareennada eedeysanayaashan ay ku doonayaan in dambiyada lagu soo eedeeyay aysan qabin.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonto maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo dacwaddan ay tahay tii ugu horreysay nooceeda oo maxkamadda gobolka Banaadir ay qabato.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

australia SHIR LOOGA SOO HORJEEDO DHISMAHA DOWLAD KU SHEEGA JUBALAND
- May 19, 2013
Waxaa magaaladda Melbourne, Australia lagu qabtay shir oo ka soo qayb galeen guddiga maamulka ...
phone Qurbo joogta Digil oo ka jawaabtey gudiga uu sameeyey Shariif Maxamed
- May 18, 2013
Shaley gelinkii dambe aya qadka telfoonka waxaa kula ku yeeshey odayaal iyo indheer garad ...
odoyaal dm Odayaal iyo xildhibaano kasoo jeeda Gobolada koonfurta somaliya oo booqdey xerooyinka barakacayasha
- May 18, 2013
Odayaal, Suldaano iyo xildhibaano kazoo jeeda Gobolada koofurta somaliya ayaa booqdey xerooyinka barakacayasha ayagoo ...
kism Wafdi ka socdey Igad oo kol dhow gaarey Magalada Kismaanyo
- May 18, 2013
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray ...
ahlusuna Maamulka Ahlusuna ee Gobolka Gedo oo sheegey iney dileen 12 ka mid Alshabab
- May 18, 2013
Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal shalay galinkii dambe ka ...