Qaar ka tirsan ciidamada xooga dalka somaliyeed oo tababar loogu soo gabagabeeyey dalka Ugandha

ciidan-tababarWaxaa maalinimadii jimcaha ee aynu kasoo gudubnay dalka Uganda tababar ciidan loogu soo xiray 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka Militariga ah uga socday dalkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiim Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan mudadii uu tababarka u socday la siiyay tababarro la xiriira sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadka, wuxuuna xusay in todobaadyada soo socdo dib loogu soo celin doono dalka.

Masuulkani ayaa sheegay in tababarkani ay gacan weyn ka geeysteen ururka Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka, oo uu xusay in ay iyagu bixiyeen qarashaadkii ku baxay askarta loo soo xiray tababarka ciidanimo.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen dhul ballaaran, wallow dagaalyahannada Al-shabaab ay weli ku xoogganyihiin gobollo badan oo katirsan koonfurta dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...
kis Warbixin dhab ka hadal ah..Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa.
- May 20, 2013
Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa. Halkan ...
xil Xildhibaano kala ujeedo ah balse ku midaysan ridida Saacid.
- May 20, 2013
Xildhibaano aanan isku dan aheyn oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa isku fakir ka ...
askar Dagaal ka dhacay Faafax-dhuun iyo mushaaraad la qeybiyey askarta Dowlada.
- May 20, 2013
Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa ...
kaliil Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay ka soo horjeedaan Is Magacaabida Axmed Madoobe ee Jubboland
- May 20, 2013
Mas,uuliyiiinta ugu sareysa Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay si weyn ...