Qaar ka tirsan ciidamada xooga dalka somaliyeed oo tababar loogu soo gabagabeeyey dalka Ugandha

0
39

ciidan-tababarWaxaa maalinimadii jimcaha ee aynu kasoo gudubnay dalka Uganda tababar ciidan loogu soo xiray 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka Militariga ah uga socday dalkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiim Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan mudadii uu tababarka u socday la siiyay tababarro la xiriira sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadka, wuxuuna xusay in todobaadyada soo socdo dib loogu soo celin doono dalka.

Masuulkani ayaa sheegay in tababarkani ay gacan weyn ka geeysteen ururka Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka, oo uu xusay in ay iyagu bixiyeen qarashaadkii ku baxay askarta loo soo xiray tababarka ciidanimo.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen dhul ballaaran, wallow dagaalyahannada Al-shabaab ay weli ku xoogganyihiin gobollo badan oo katirsan koonfurta dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com