Raysulwasaraha somaliya oo maanta xafiiskiisa kula shirey Agasimayasha Guud

abdi shirdomRa’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dowladda, iyadoona kulankaasi uu ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar-dargelinta howlaha wasaaradaha.

Ra’isul wasaare Saacid oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaalihii uu kala hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, wuxuuna sheegay in kulankooda ahaa mid kala warqaadasho iyo iswareysi, isagoona sheegay in ay uga gun leeyihiin sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha wasaaradaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hore kulamo kuwan lamid ah uu ula qaatay golaha wasiirada isalamarkaasina ay kawada hadleen sidii isbadalka cusub ee Soomaaliya loogu baahin lahaa guud ahaan gobollada dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale hadaladiisa kamid ahaa: “Maantana waxaanu isugu nimid tirada intan la eg, dantuna waxa weeye inaan is wada wargelinno, inaanu wada hadalno oo wax kala baranno inaanu isla qaabeeyno sida ugu fiican oo fariinta isbadalka Soomaaliya ay u gaari lahayd Soomaaliya oo dhan.”

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

kary Gudomiyaha Ururka Midowga Africa oo maanta la kulantey Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka
- May 25, 2013
Wafuuda caalamiga ah ee ka qeyb galeysa shirka 50-sanad guuradii ka soo wareegatay Gudoomiyaha ...
Shirkii_IGAD_3 Wadamada ku bahoobey Igad oo isku raacey in Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka lagu qabto Magalada Muqdisho
- May 25, 2013
Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay ...
jubaland Maamulka Jubooyinka oo ka digey in fara gelin lagu sameeyo Jubooyinka
- May 25, 2013
Maamulka Jubaland ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ...
baris Ciidamada Boliska iyo Amisom oo maanta howlgalo ka wada qeyb ka mid ah Magalada Muqdisho
- May 25, 2013
Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa howgallo baaritaanno ah kawada saakay ...
igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...