Raysulwasaraha somaliya oo maanta xafiiskiisa kula shirey Agasimayasha Guud

0
50

abdi shirdomRa’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dowladda, iyadoona kulankaasi uu ku saabsanaa kala warqaadasho iyo dar-dargelinta howlaha wasaaradaha.

Ra’isul wasaare Saacid oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaalihii uu kala hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, wuxuuna sheegay in kulankooda ahaa mid kala warqaadasho iyo iswareysi, isagoona sheegay in ay uga gun leeyihiin sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha wasaaradaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hore kulamo kuwan lamid ah uu ula qaatay golaha wasiirada isalamarkaasina ay kawada hadleen sidii isbadalka cusub ee Soomaaliya loogu baahin lahaa guud ahaan gobollada dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale hadaladiisa kamid ahaa: “Maantana waxaanu isugu nimid tirada intan la eg, dantuna waxa weeye inaan is wada wargelinno, inaanu wada hadalno oo wax kala baranno inaanu isla qaabeeyno sida ugu fiican oo fariinta isbadalka Soomaaliya ay u gaari lahayd Soomaaliya oo dhan.”

Daafeet.Com