Afhayeenka ciidamada Amisom oo guulo ka sheegtey dagaaladii ka dhacay Beledweyne

0
52

cali adanAfhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ay guulo ka gaareen dhankooda.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen dagaalyahano gaaraya 20 oo ay masuuliyiin ku jiraan sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka AMISOM.

Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dhankooda uu hal askari kaga geeriyooday dagaalkaasi islamarkaana uusan jirin khasaaro kala oo soo gaaray ciidamada Jabuuti.

Afhayeenka Amisom Cali Adan Xumad ayaa ku celiyay baaqa ah in Shabaab dhalinyarada ku jira ay ka tanaasulaan falkaasi islamarkaana ay kusoo biiraan dhanka Dowladda Soomaaliya AMISOM ay soo dhaweynayso.

Daafeet.Com