Ciidanka Boliska Magalada Jowhar oo ka hadley dhibta lagu hayo Gadiidleyda marta wadada isku xirta Xamar iyo Jowhar

0
45

boliska-somalia-7Khaliif Cabdule Cabdi taliyaha qeybta Booliiska ee Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa wuxuu sheegay in ciidamo ay geynayaan meel waliba oo laga soo sheego falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Wuxuu sheegay inay sameyn doonaan roondooyin ku aadan wadada isaga oo sheegay in hadii lagu soo wargeliyo in dad dhacaayo gaadiidka wadada lagu arko ay u dirayaan gaadiid ciidan ay saaran yihiin.

Taliyaha qeybta Booliiska ee Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale sheegay inuu balan qaadayo in falal lidi ku ah dhanka ammaanka aan dib dambe looga soo sheegin deeganada ku xeeran degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Booliiska ee Jowhar hadalkaan kasoo yeeray ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gaadiidleeyda Gobalka Banaadir ay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmaan rag ku lebisan tuutaha ciidanka inta u dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho.

 
Daafeet.Com