Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe oo sheegey iney Alshabab kala wareegi doonan Deeganka oo dhan

0
26

puntaland ciCali Cismaan Ibraahin Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobalka Shabeelaha dhexe oo la hadlay warbaahin ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegayaan deeganada aysan iminka joogin.

Wuxuu sheegay howlgalkii shalay lagula wareegay Garoonka Degmada Jowhar uusan noqon doonin mid istaaga uuna sii socon doono ilaa guud ahaan Gobalka Shabeelaha dhexe laga saarayo Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobalka Shabeelaha dhexe Cali Cismaan Ibraahin ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Gobalka looga baahan yahay taageerada Dowladda Soomaliya.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar halkaasi oo ay Shabaab maamuli jireen.

 
Daafeet.Com