Congressman Keith Ellison oo maanta booqasho ku tegey Dalka Somaliya

0
63

Keith iyo XasanMadaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan qaatay muddo 45-daqiiqo ah wuxuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula yeeshay xildhibaanka, Keith Ellison oo ah mudanaha keliya ee muslimka ah ee ku jira golaha Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kulankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo intaas ku daray in mudanaha uu uga warrramay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad ay kasoo kabsaneyso dhibaatadii ku dhacday.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu aad ugu farxsan yahay inuu kusoo dhaweeyo Muqdisho xildhibaankii ugu horreeyay oo ka socda dalka Mareykanka oo soo gaara Muqdisho. Isagoo xusay inay uga hadleen kulankooda sidii ay xildhibaannada Mareykanka gacan u siin karaan Soomaaliya, waana isku af-garanay.

Dhanka kale, xildhibaan Keith Ellison ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta yimaado Muqdisho, isagoo xusay inay mar walba weydiin jireen Soomaalida ku nool Minnesota xilliga uu tegi doono Soomaaliya, balse uu ugu jawaabi jiray inuu maalin uun booqan doono, maalintaasna ay maanta noqotay.

 
Daafeet.Com