Congressman Keith Ellison oo maanta booqasho ku tegey Dalka Somaliya

Keith iyo XasanMadaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan qaatay muddo 45-daqiiqo ah wuxuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula yeeshay xildhibaanka, Keith Ellison oo ah mudanaha keliya ee muslimka ah ee ku jira golaha Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kulankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo intaas ku daray in mudanaha uu uga warrramay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad ay kasoo kabsaneyso dhibaatadii ku dhacday.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu aad ugu farxsan yahay inuu kusoo dhaweeyo Muqdisho xildhibaankii ugu horreeyay oo ka socda dalka Mareykanka oo soo gaara Muqdisho. Isagoo xusay inay uga hadleen kulankooda sidii ay xildhibaannada Mareykanka gacan u siin karaan Soomaaliya, waana isku af-garanay.

Dhanka kale, xildhibaan Keith Ellison ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta yimaado Muqdisho, isagoo xusay inay mar walba weydiin jireen Soomaalida ku nool Minnesota xilliga uu tegi doono Soomaaliya, balse uu ugu jawaabi jiray inuu maalin uun booqan doono, maalintaasna ay maanta noqotay.

 
Daafeet.Com

 


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...