Wasiirka Wasarada Adeega iyo arimaha Bulshada Maryan Qasin oo sheegtey in waxbarashada ey xooga saari doonto

0
46

maryan qasimWasiirka Wasaarada adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr Maryan Qaasim ayaa sheegtay in hadii dhalinyarada Soomaaliyeed si wanaagsan loo baro qiimaha ay leedahay waxbarashada kadib uu imaanayo ammaanka.

Waxa ay sheegtay wasiirka in waxbarashada ay tahay muhiimada koowaad balse aysan wanaagsaneyn in lagu mashquulo ciidan nabadsugida iyo amni intaba.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayeey sheegtay inay u baahan yihiin waxbarasho wanaagsan si ay u fahmaan ammaanka iyo kala dambeynta waxa ay tahay balse aysan muhiimad laheyn in marka hore lagu deg dego ammaan iyadoo dhalinyarada fekerka qaldan laga saarin.

Si kastaba arintu ha ahaatee arintan ey ka dhawaajisey wasiirada ayaa ah arin loo baahan yahay in la dardar geliyo maadaama dhalintii ku barbaartey dagaalada sokeeye eysan heysan waxbarasho.

Daafeet.Com