Wasiirka howlaha Guud iyo Dekeda ee dalka Somaliya oo gaarey Dalka Sudan

0
32

kalimowWafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Howlaha guud iyo Dakeddaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Muxudiin Xasan Kaalmooy ayaa waxa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah Safiirka Safaarada Soomaalida ee Dalka Sudan u fadhiya Mudane: Maxamed C/laahi Ugaas Faarax iyo Madax ka socotay Wasaaradda Howlaha Guud ee Dalka Sudan.

Wasiirka Howlaha guud iyo Dakeddaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Muxudiin Xasan Kaalmooy oo Saxaafada kula hadlay garoonka Diyaarada ee Khartoum ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaashiyaha uu yimid Dalka Sudan oo uu ku tilmaamay in uu yahay Dalkoodii labaad.

waxaa uu intaas Wasiirku ku daray in uu Sudan ku yimid Marti qaad Rasmi ah oo uu ka helay Dhigiisa Dalka Sudan.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in uu Dalka Sudan joogo muddo Laba Cisho ah ayna kulama la qaadan doonan Madax sare oo ka Tirsan Dowladda Sudan.

Daafeet.Com