Alshabab oo isaga baxdey Mahadaay iyo ciidamada dowlada oo soo gaarey Mahadaay

cidanCutub ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo sahan ahaan loo diray ayaa lagu soo warramayaa inay maanta gaareen magaalada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe kaddib markii ay halkaas isaga baxday maleeshiyada al-Shabaab.

Dad ku sugan magaalada Mahaddaay ayaa sheegay inay arkeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo lug ku soo galaya magaalada.

Ciidamada ayaa lagu arkay deeganaka Buurane oo 25 km waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ka hor intaaney soo gelin gudaha degmada Mahaddaay. Wararka waxay intaas ku darayaan in qaar ka tirsan dadka deegaanka ay soo dhoweeyaan ciidanka dowladda.

Weli lama oga in ciidanka maanta galay Mahaddaay ay dagi doonaan magaalada si ay sugaan ammaanka magaalada.

Waa markii labaad oo ciidan ka tirsan dowladda oo saahan ahaan loogu arko saddexdii maalmood ee u dambeeyay.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

kary Gudomiyaha Ururka Midowga Africa oo maanta la kulantey Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka
- May 25, 2013
Wafuuda caalamiga ah ee ka qeyb galeysa shirka 50-sanad guuradii ka soo wareegatay Gudoomiyaha ...
Shirkii_IGAD_3 Wadamada ku bahoobey Igad oo isku raacey in Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka lagu qabto Magalada Muqdisho
- May 25, 2013
Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay ...
jubaland Maamulka Jubooyinka oo ka digey in fara gelin lagu sameeyo Jubooyinka
- May 25, 2013
Maamulka Jubaland ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ...
baris Ciidamada Boliska iyo Amisom oo maanta howlgalo ka wada qeyb ka mid ah Magalada Muqdisho
- May 25, 2013
Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa howgallo baaritaanno ah kawada saakay ...
igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...