Alshabab oo isaga baxdey Mahadaay iyo ciidamada dowlada oo soo gaarey Mahadaay

0
27

cidanCutub ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo sahan ahaan loo diray ayaa lagu soo warramayaa inay maanta gaareen magaalada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe kaddib markii ay halkaas isaga baxday maleeshiyada al-Shabaab.

Dad ku sugan magaalada Mahaddaay ayaa sheegay inay arkeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo lug ku soo galaya magaalada.

Ciidamada ayaa lagu arkay deeganaka Buurane oo 25 km waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ka hor intaaney soo gelin gudaha degmada Mahaddaay. Wararka waxay intaas ku darayaan in qaar ka tirsan dadka deegaanka ay soo dhoweeyaan ciidanka dowladda.

Weli lama oga in ciidanka maanta galay Mahaddaay ay dagi doonaan magaalada si ay sugaan ammaanka magaalada.

Waa markii labaad oo ciidan ka tirsan dowladda oo saahan ahaan loogu arko saddexdii maalmood ee u dambeeyay.

Daafeet.Com