Alshabab oo guulo ka sheegtey dagaal shaley ka dhacay Deganka Janaale

alshabaUrurka Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Gobalka Shabeelaha hoose oo ay sheegeen inay la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka dhanka dagaalada ee Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab dagaalka ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ku gacan sareeya Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in weerar culus ay ka geesteen afaafka laga soo galo Magaalada iyo sidoo kale xarunta Janaale halkaasi oo ay weerar culus ku ekeeyeen sida uu sheegay.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Shabaab ay weerar kale ku qaadeen xero ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM oo Janaale ku taal halkaasi oo uu tilmaamay in khasaaro badan uu ka dhashay.

Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka dileen askar gaaraya ilaa dhowr iyo labaatan halka sida uu sheegay dhankoodana ay ka geeriyoodeen saddex askari.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...