Alshabab oo guulo ka sheegtey dagaal shaley ka dhacay Deganka Janaale

0
33

alshabaUrurka Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Gobalka Shabeelaha hoose oo ay sheegeen inay la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka dhanka dagaalada ee Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab dagaalka ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ku gacan sareeya Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in weerar culus ay ka geesteen afaafka laga soo galo Magaalada iyo sidoo kale xarunta Janaale halkaasi oo ay weerar culus ku ekeeyeen sida uu sheegay.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Shabaab ay weerar kale ku qaadeen xero ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM oo Janaale ku taal halkaasi oo uu tilmaamay in khasaaro badan uu ka dhashay.

Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka dileen askar gaaraya ilaa dhowr iyo labaatan halka sida uu sheegay dhankoodana ay ka geeriyoodeen saddex askari.

Daafeet.Com