Burcad Badeed Somali ah oo ey Maxkamad uga furantey Dalka Mareykanka

pirMaxkamadeynta shan nin oo burcad badeed Soomaali ah ayaa si rasmi ah kaga billaabatay magaalada Norfolk ee dalka Mareykanka.

Shanta qof ayaa lagu eedeeyey inay markabka Ashland oo ay ciidamada badda ee Mareykanku leeyahay ay ku rasaaseeyeen xeebaha bariga Afrika sanadkii 2010, iyagoo u maleynayay inuu yahay markab ganacsi oo ay doonayeen inay afduubtaan.

Benjamin Lucas Hatch oo ka tirsan dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ujeeddadoodu aysan markii hore ahayn burcad badeeddu inay weeraraan markabka ciidamada, hase yeeshee ujeedkooda ahaa inaay qafaashaan markab ganacsi si ay Lacag madax furasho ah uga qaataan.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan todobaadka kale dib loo dhageysan doono,iyagoo la isugu yeeri doono Saraakiil Badbaaxiyiin Mareykan ah.

Sida warar hor dhac ah oo ka soo baxayo Maxkamada lagu helayo ayaa waxay sheegayaan in hadii ragaan lagu helo falkaan lagu eedeeyay ay wajihi doonaan xabsi daa’in.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...
puntland Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee Puntlan oo Dil ku kooxo ka dambeeyey Dilkii alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey
- May 23, 2013
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ...
xasan Madaxweynaha oo ka qeyb galey munaasabad loogu dabaal dagaayo 50 Guuradii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtey Muqdisho
- May 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ...
sacid Rai’sulwasare Saacid oo sheegey in uusan wax balan qaad ah oo loo sameeyey Xildhibaanadii ka laabtey Mooshinka
- May 23, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay ...
Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeep Ciidamo ka tirsan Siera Leone oo maanta gaarey Dhoobleey
- May 23, 2013
Ciidamo Sierra Leone ah oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ...