Burcad Badeed Somali ah oo ey Maxkamad uga furantey Dalka Mareykanka

0
33

pirMaxkamadeynta shan nin oo burcad badeed Soomaali ah ayaa si rasmi ah kaga billaabatay magaalada Norfolk ee dalka Mareykanka.

Shanta qof ayaa lagu eedeeyey inay markabka Ashland oo ay ciidamada badda ee Mareykanku leeyahay ay ku rasaaseeyeen xeebaha bariga Afrika sanadkii 2010, iyagoo u maleynayay inuu yahay markab ganacsi oo ay doonayeen inay afduubtaan.

Benjamin Lucas Hatch oo ka tirsan dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ujeeddadoodu aysan markii hore ahayn burcad badeeddu inay weeraraan markabka ciidamada, hase yeeshee ujeedkooda ahaa inaay qafaashaan markab ganacsi si ay Lacag madax furasho ah uga qaataan.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan todobaadka kale dib loo dhageysan doono,iyagoo la isugu yeeri doono Saraakiil Badbaaxiyiin Mareykan ah.

Sida warar hor dhac ah oo ka soo baxayo Maxkamada lagu helayo ayaa waxay sheegayaan in hadii ragaan lagu helo falkaan lagu eedeeyay ay wajihi doonaan xabsi daa’in.

Daafeet.Com