Dad lagu laayey Masaajid ku yaala Magalada Libooye

0
35

dilUgu yaraan toddobo qof ayaa lagu dilay weerar dabley hubaysan ay ku qaadday dad ku tukanayay masaajid ku yaalla deegaanka Libooye ee ku yaalla soohdinta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Weerarka oo dhacay waqtiga salaaddii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacay deegaanka Malele oo ku dhowaad 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dadaab.

Dad goob-joogayaal ah ayaa booliska Kenya u sheegay inay weerarka gaysteen siddeed nin oo ku hubaysnaa qoryaha AK47.

Booliska waxay xaqiijiyeen dhimashada dadka oo isugu jira shan nin iyo labo dumar ah. Ragga ayaa lagu dhex dilay masaajidka halka labada haween lagu toogtay dibadda masaajidka.

Weli lama garanayo sababta ka dambeysa weerarka iyo haddii uu xiriir la leeyahay argagaxisannimo ama aano-qabiil.

Daafeet.Com