3 ka mid ah ciidamada qalabka sida oo maanta Dil toogasho ah loogu fuliyey Magalada Muqdisho

dilMaxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

Dilka oo saaka ka dhacay iskool bulusiyo ayaa waxaa lagu fuliyay saddex askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, waxaana maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambiyo dil ah oo ay u geysteen shacab iyo askari ciidamada dowladda ka tirsan.

Halka uu ka dhacayay xukunka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), saraakiil ciidan iyo dadweyne u soo daawasho tagay sida uu xukunku u dhacayay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku fuliso xukun dil ah askar ka tirsan ciidamada dowladda, balse waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu fuliyo xukun dil ah.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...