Magaalada Jabuuti oo ay saaka ka bilaabatey doorashooyinka xubnaa Baarlamanka

0
32

djibouti-elections-votingDalka Jabuuti ayaa waxaa saakay ka billowday doorashada baarlamaaniga ah ee dalkaas, iyadoo shacabku ay soo dooranayaan 65-ka xidhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Jabuuti.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddex xisbi oo laba ka mid ah ay yihiin mucaarad iyo xisbiga talada haya, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 10-sano ah oo mucaaradka loo ogolaaday inay si toos ah uga mid noqdaan baarlamaanka.

Goobaha codbixinta ee dalka Jabuuti oo tiradoodu tahay 442 goobood ayaa waxaa si toos ah uga billowday doorashada, waxaana dadka codka bixinaya ay tiradoodu gaaraysaa 174,000 oo ruux sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Magaalada Jabuuti ee caasimadda ah ayaa waxaa laga codeynayaa 232 goobood, iyadoo la doonayo inay ka yimaadaan 35 xildhibaan, halka inta kalena ay ka imaanayaan gobollada kale ee dalka.

Doorashadan ayaa si weyn uga duwan doorashooyinkii hore iyadoo xubnaha mucaaradka ah ee lasoo doorto ay ka mid noqon doonaan baarlamaanka, taasoo ka dhigan in baarlamaanka Jabuuti ay ka mid noqon doonaan xubno mucaarad ah, halka markii hore uu ahaa in ciddii ku guuleysata aqlabiyadda baarlamaanka ay qaadan jirtay kuraasta oo dhan.

Daafeet.Com