Prof Jawaari oo wareysi siiyey Idaacada BBC isagoo ku sugan Dalka Kenya

kulaGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo saddex maalmood ah ku tagay dalka Kenya, kaddib hal toddobaad oo uu booqasho ku joogay dalka Itoobiya, iyadoo lagu wado inuu la kulmo madaxda dalkaas.

Prof. Jawaari ayaa uga hadlay wareysi uu siiyay BBC-da habka federaalka dalka iyo mushaaraadka xildhibaannada, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dowladda inay federaalka gaarsiiso dalka oo dhan.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay mushaaraadka xildhibaannada iyo shaqaalaha kale ee dowladda isagoo xusay in daqliga dowladda soo gala uu aad u yar yahay taasna ay sababayso inay dib u dhacyo ku yimaadaan mushaaraadka shaqaalaha iyo xildhibaannada, balse waa la siin doonaa.

Mar uu ka hadlay wixii baarlamaanka u qabsoomay, isagoo sheegay in intii uu jiray baarlamaanka uu mashquulsanaa sidii uu u dhisi lahaa guddiyadiisa iyo hay’adda fulinta ee dowladda, balse hadda wixii ka dambeeya ay ka shaqeyn doonaan horumarinta kale ee sharciyada dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in muuhimadda koowaad ay siin doonaan sugidda ammaanka, ayna rajo weyn ka qabaan inay dalka gaarsiiyaan heer ay shacabku soo doortaan xidhibaannada iyo madaxdii hoggaamin lahayd.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii U Danbeeyay

photo 3 (1) Daawo…Sida looga ciiday magaalada Atlanta USA
- Jul 28, 2014
              Guud ahaan Muslimiinta ku nool magaalada Atlanta ee gobolka Georgia dalka Maraykanka ayaa sida ...
sporttigii Dhegayso….Samaynta Gudi uu yeesho Olympicada Gobolada K/Galbeed oo Qaban qaabadiisu ay ka socoto Magaalada Baydhabo
- Jul 28, 2014
              Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maalmahan dambe waxaa ka soconayey Qaban qaabada ...
juuuuuuuu Dhegayso..Kismaayo oo lagu wado dhowaan inuu ka furmo Shirweyne Dib u heshiisiin ah
- Jul 28, 2014
        Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose ayaa waxaa lagu wadaa in bisha Sebtembar ee ...
ciid m Ciid Wanaagsan Dhamaan Aqristayaasha Daafeet Media
- Jul 28, 2014
Dhamaan Bahda Daafeet Media waxaa ay halkaan Tahniyad ku aadan ciida ugu dirayaan dhamaan ...
cd Dhegayso…Waxgaradka gobalka Shabeelaha hoose oo dowlada ku eedeeyay inay qayb ka tahay dagaalka ka socda gobalka
- Jul 28, 2014
Sida uu ku waramayo wariyeheena Muqdisho MK waxaa maanta Ciidamada dowlada oo howlgalo ay ...