Prof Jawaari oo wareysi siiyey Idaacada BBC isagoo ku sugan Dalka Kenya

0
32

kulaGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo saddex maalmood ah ku tagay dalka Kenya, kaddib hal toddobaad oo uu booqasho ku joogay dalka Itoobiya, iyadoo lagu wado inuu la kulmo madaxda dalkaas.

Prof. Jawaari ayaa uga hadlay wareysi uu siiyay BBC-da habka federaalka dalka iyo mushaaraadka xildhibaannada, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dowladda inay federaalka gaarsiiso dalka oo dhan.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay mushaaraadka xildhibaannada iyo shaqaalaha kale ee dowladda isagoo xusay in daqliga dowladda soo gala uu aad u yar yahay taasna ay sababayso inay dib u dhacyo ku yimaadaan mushaaraadka shaqaalaha iyo xildhibaannada, balse waa la siin doonaa.

Mar uu ka hadlay wixii baarlamaanka u qabsoomay, isagoo sheegay in intii uu jiray baarlamaanka uu mashquulsanaa sidii uu u dhisi lahaa guddiyadiisa iyo hay’adda fulinta ee dowladda, balse hadda wixii ka dambeeya ay ka shaqeyn doonaan horumarinta kale ee sharciyada dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in muuhimadda koowaad ay siin doonaan sugidda ammaanka, ayna rajo weyn ka qabaan inay dalka gaarsiiyaan heer ay shacabku soo doortaan xidhibaannada iyo madaxdii hoggaamin lahayd.

Daafeet.Com