Hay,ada UNCHR oo ku boorisey dowlada Holland in eysan somalida dib u celin eysan ku sameyn

0
30

unhcrDowlada Holland ayaa lagu amray inaysan dib Soomaalida dalkaasi ku sugan aysan ugu soo celin meel ka mid ah koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo Muqdisho ayku jirto ilaa amaanka magaalooyinka dalka Soomaaliya uu ka wanaagsanaanayo.

Hayada qaxootiga qaramada midoobay UNCHR ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowlada Hollanday qorsheynayso inay dib usoo celiso dad magalyo ahaan u tagay dalkaasi,laakiin loo baahan yahay inay ka fiirsato celinta Soomaalidaasi.

“Dowlada Holland waa inaysan go’aansan soo daabulida dadka Soomaaliyeed koofur iyo bartamaha Soomaaliya ilaa Qaramada Midoobay ay ku wargelinayaan wanaagsanaanta xaalada amaanka” sidaasi waxaa yiri Gerry Simpson oo ka mid ah madaxda sare ee UNCHR.

“halka amaanka qeybo kamid ah Muqdisho uu wanaagsan yahay kama dhigna in gobolada dalka ay sidaasi oo wali weeraro rayid lala eegta ayaa jira”ayuu hadalkiisa kusii daray.

 

Daafeet.Com