Aqligaaga oo Bato Saaxiibadaa Aas Yareeyaa Ee Farkeetiyow Hameer Meerinee Meel Qabso! (Qeybtii Labaad)

1
82

farkeetiHaddaan Siyaasiga Aqoonyahanka ahna Wasiirka Maaliyada Xukuumada Muqdisho Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo ah shaqsi aad Kursi Jacaylk uga Dhex Guuxaysa wuxuuna diirada saartey si kastoo uu 2016 Xildhibaan Qaran ku noqon lahaa.

Mudanuhu waxaa uu kalsooni buuxda ku qabi waayay Gudoomiye Prof. Maxamed Jawaarey oo ka shaqeeyey inuu Wasiir noqdo, sidoo kale u balan qaaday 2016 inuu Gudoomiye Baarlamaan uu u sharxo maadama uu Ritaayer uu noqdey, hadana Farkeeti wuxuu kalsooni buuxda ku qabi waayay Jawaarey oo Cawa iyo Maalin u duuban.

Hadaba Wasiir Farkeeti ayaa sidii Mobile-kii oo kala guur guurayaa waxaa Xildoonimadiisa darteeda uu habeen Seq Dhexe u garguurtey Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Sakiin, isagoo ka shakiyey in shirarka New Deal-ka laga yaabo Maamul Goboledyada iney soo xulaan Labada Aqal ee la sheegay.

Kulanka Maxamed Farkeeti iyo Shariif Sakiin ayaa waxaa la sheegi jirey Labo Bil ka hor, laakiin ilo xog ogaal ah ayaa Ishabaydhaba.com u xaqiijiyey la kulanka Farkeeti uu Shariifka la kulmay Todobaadkii tagay.

Hadaba ilaha xog ogaalka ah ee Farkeeti iyo Sakiin kulamadooda inoo soo gudbiyay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxamed Farkeeti uu Shariif Xasan Sabeen Xiray oo u Hoyday, Kuna yiri anoo Siyaasad ka Quursadey oo Hogaamiyeyaashii RRA in badan i Qoorqabteen adiga ayaa Guddigii Steering Committee igu soo darey waa meesha Siyaasada iiga soo Dhadhantey ha igu dayan, anigoo Siyaasada ku cusub ayaan Balankaaga baxay, waxna kuma faa’idin waxaana Jeclahay inaan Arimaha DigilMirifle adiga kaaga danbeeyo.!

Shariif Xasan ayaa la sheegey inuu yiri waxba kuuma haysto waxaadse ogaata qofkii iqiyaano isagoo mansab haya iyo asagoo banaan joogaba isaga ayaa ii imaada adiguna Sabeenta waan kaa qaaday, lakiin waxaa iigu kaa dhiman inaan hello siyaabo kale oo kalsoonidaada iigu soo noqoto.

Shariif Xasan oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri. Ma ogtahay waxa Sakiin la iigu baxshey, aan kuu sheego xiligii aan Wasiirka Maaliyada ahaa ayaa waxaa Sheekh Shariif oo Madaxweyne ahaa iyo Cumar C/rashiid waxaa ay iisoo qori jireen lacago lasiinayo dad dhibateysan ama Goboladooda, ana hadii Sheekh Shariif uu 100-kun oo dollar soo qorto anna Qomiyada DM magaceeda isla hadalkiisa oo kale intaan qoro ayaan 80-kun oo dollar ayaan qoran jirey labada lacag intaan isku dhejiyo ayaan halmar Bangiga kasoo bixin jirey hadii Cumar C/rashiid uu 50 Kun oo dollar soo codsadana, anna 40 Kun oo dollar ayaan Dalban jirey marka Hawiye iyo Daarood isku jirkooda hadii $180 (boqol iyo sidatankun) qaataan anna waxaan qadan jirey $120 (boqol iyo labatankun oo dollar).

Hadaba shirka khamiislaha ah marka la isagu yimaado oo xisaabta aan gudbinayo iyadoo sedaxdeena waraaq oo aniga labo mar ii qoran ayaan gudbin jirey markaasey intey Qosleen iyiraahdeen Shariif Sakiin.

Laakiin Farkeetiyo waxaa isoo gaarta in Madaxweyne Xasan Sheekh aad kuu Amaano oo aadan ahayn qof la heli Karin, balse waxaan ogahay qofkey dadka Maxaaga Amaanaan inuu yahay qof lagu Shaqeysto oo aanba isu qabin inuu yahay qof ku yimid Power Sharing.

Tusaale ahaan waxaa lagugu Xantaa inta badan inaad lacagihii Galmudug lagu dhisey Gacantaada sidii Macalgada oo kale lagu cuney.

Hadaba intaad Tijaabada ku jirto waxaan kaarabaa Lacagta Ciidamda oo aan labo bilood bixinin kartidaada aan arko Wajiga kowaad waa $500.000 (Shanboqol oo kun dollar) hana baqin, sidaada oo kale ma ihi qof balanta ka baxa! waxaana kuu balanqadayaa inaanan qof ku daba qoda aaney jiri doonin, mana lagu bedeli karro markii hore qof ayaa ku keensadey haddaad baahida Koonfur Galbeed ila daboosho qof kaa daba hadli karro majiro.

Hadaba hadalada oo intaasi ka badnaa ayaa Farkeeti wuxuu siiyay Shariif Sakiin $140.000 (boqol iyo afartan kun oo dollar), intuu Shariifka Dhoola Cadeeyey ayuu yiri midani ma sabeen ahaanbaa iigu keentey mise Shanta Boqol ayay bilow ka tahay.

Maxamed Farkeeti oo isku daray Haa iyo Mayaba ayaa warkiisa kusoo koobey Madaxweyne waan dadaalayaa hadaad hada iyo hadhowba igarab istaagto.

Si kastooy ahaataba Farkeeti oo Madax martey Kursi oo weliba midka uu hada fadhiyo inuu dhamaysanaya iyo inkaleba aanu ogeyn ayaa waxaa uu xil u daba fariisanayaa qofkii Xumeeyey iyo Kii Wanaajiyayba, lakiin Siyaasiga Dhabta ah waa midka meel ku adkeysta ee aan Siyaasada kalsoonida Daran ee Munafiqnimada wax ku raadin.

Ugu danbeyn Maxamed Farkeetiyow waxaa la yiraahdaa Meeshaad Ku Qabaysatid Ayaa Lagu Qalajistaa, ha Abaal-darin Prof. Jawaarey oo Kursi aadan abad heli lahayn kugu Fariisiyay oo ha u Kabin Shariif Sakiin, waa Digniinee Is Daryeeloo Dadka Soor!!!!

1 COMMENT

  1. wuu noqon karaa gudoomiye baarlamaan haddu haysto lacag ku filan oo Soomaalida (kuwa wax dooran doonaan) loo qeybin karo. Lacagtiisi ayaa meeshi keeni kartaa iyo waxa uu ka dhashay digilmirifle oo aan wax kale loo ogoleyn (gudoomiye baarlamaan mooyaane)

Comments are closed.