Beesha Calamka oo 26 sano Kadib Walaac Ka Muujineysa In Xubnaha Labada Aqal Aan Lagu Soo darin Dagaal Ogayaasha

0
25

Qaramada Midoobay, Ururka Goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Itoobiya, Talyaaniga, Boqortooyada Britain, Sweden iyo Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay in xubno taariikhda ku leh colaado, falal-dembiyeedyo iyo argagixisnimo lagu soo daro Liisaska Musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka – ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada Somalia iyo kuwa kale ee soo dooranaya, iyadoo laga yaabo in xubnahaas ay ka mid Baarlamaanka Somalia ka mid noqdaan.

Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigantahay tallaab dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub. Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhamaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maadaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka.

Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay mudan yihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

Waxaa [hadda] socdo hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kuraas ee Golaha Shacabka, waana in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoranyihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan aqalka hoose ee Baarlamaanka.