Caqliga Ha Shaqeeyo: Dulmiga iyo Dar Xumada Ka Xorow Inta Aadan Dulmin Walaalkaa

0
179

Gooni isku taaga gobolka shabeelaha hoose waxaa uu bilowdey sanadka marka uu ahaa 1972 taasi oo markaasi dowlada milateriga ee uu madaxweynaha ka ahaa alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare uu dhamaan degmooyinka gobolka shabeelaha hoose uu u wada magacaabey shaqsiyaad  dhamaantood kasoo jeeda beesha daarood.

Talaabadaas maamulka milateriga uu ku dhaqaaqey ayaa waxaa ay daah fur u noqotey in dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose gurigooda loogu taliyo kana noqdaan marti aydoo weliba sida taariikhda ku xusan in reer shabeelaha hoose weligood ka hor iman maamul beeleedkii milateriga ee uu madaxweyne ka ahaa Maxamed siyaad bare.

Talaabadan beelaha daarood ay ku maamuleen gobolka shabeelaha hoose ayaa ayagana dhankooda talaabadaas oo kale mid ku dhisan la yimid gobolka shabelaha hoose beelaha hawiye kadib kolkii dowlada dhexe ee dalka ay qori caaradii kusoo burburiyeen.

Sanadkii 1991 beelaha hawiye oo ku socda magaca jabhada USC waxay cagta marisey guud ahaan gobolada koonfur galbeed ee somaliya ayadoo xiliga hada la joogana damacii beesha hawiye ee gobolada koonfur galbeed ay ka lahaayeen uu kusoo harey oo keliya gobolka shabeelaha hoose. Taasi oo mar kale la micno ah in dadka ku nool gobolka shabelaha hoose aysan inaba ka hor imaanin falalka guracan ee maleeshiyada beelaha hawiye kula kaceen shacabka gobolka shabelaha hoose kuwaasoo isugu jira Dil, Dhac, Kufsi, Jir Dil, Bahdilaad iyo Isbaaro Bilow maahee aan dhamaad laheyn.

Dhalashadii dowladii Alaha u Naxariistee Cabdullahi Yusuf 2004 shirkii inbagaati ayaa waxaa uu dadka shabeelaha hoose u horseedey talaabo dhaxal gal ah oo dhanka wanaagsan uu u qaadey Cabdullahi Yusuf iyo maamulkiisa taasi oo aheyd ugu yaraan in dhamaan degmooyinka gobolka shabeelaha hoose iyo gobolka loo magacaabo dad deegaanka u dhashay talaaban oo ilaa iyo manta shaqeyneysa.

Dhanka kale maamulkii Cabdullahi Yusuf ee dadaalka intaa la eg u sameeyey dad ku nool gobolka shabeelaha hoose ayaa hadana ilaa iyo manta waxaa ay taagan tahay 11 sano ka dib in isbedelkii maamul ee uu Cabdullahi Yusuf ku sameeyey gobolka shabeelaha hoose la waayo cid kasii amaba qaada halkii uu dhigey isla markaana deegaameysa maamulka oo dhan.

Kolka aan usoo daadego qoraalkeyga ku aadan waxa manta ka dhacaaya gobolka shabelaha hoose degmooyinkiisa kala gedisan ayaad moodaa inuu warka kusoo dhamaan rabo gafanihii (Shilling) dhiiga dheregtiisa ku dhintey taasi oo aan ula jeedo siyaasiyiinta sheeganaya iney kasoo jeedaan degmooyinka kala gedisan ee gobolka shabeelaha hoose oo hadana aan u muuqan in gobolka iyo dadkiisaba la heysto misna ay tartan ugu jiraan sidii ayagoo qabaan u ah una adeega dad kale ay deegaanada ay u dhasheen ugu matelaan golayaasha federaalka.

Yaab badanaa nimaan u muuqanin in dhulkiisa iyo dadkiisa la heysto kana sii yaab badanaa kan rabo dadka la heystayaal ah dhiigooda inuu kusii gorgortamo oo uu umada uu matalo: waa iga suaale horta ma tegi karaan deegaanadooda? dadkase mala qeybsan kartaa dareenkooda? mase is weydiisey in kursiga aad tartanka ugu jirto kuwii hore ugu fadhiyey wixii ay ka keeni waayeen in aad adiga ka keeni karto?

Dabcan muqdisho xal iyo xeer lagu joogey u baahan tahay hadii kale boorkada la kicinaa laakiin taas micnaheeda ma aha in damiirkada uu ku siiyo in dadkaada danahooda aad uga dulaasho kuwa dadka meeshey manta yaalaan dhigey. bal aan is weydiinee xildhibaankii hore kan cusubi muxuu dhaamaa?  kan cusubse kii hore muxuu dheer yahay?

Si looga gun gaaro jawaabaha suaalaha aan soo ban dhigney ayaa waxaa hubaal ah in shacabka looga baahan yahay iney u istaagaan danahooda oo aysan cid ku haleynin masiirkooda si gaar ah kuwa aan tuhmeyno halka ay kasoo biya qaadanayaan.

Micno weyn ma sameyneyso in umada loo sheego balan qaadyo runtii kan sheegaya og yahay iney been tahay waxa uu sheegaayo sidoo kale waxaa ayana micno weyn dhaleynin in waxoogaa dhaaqaale ah oo dulaalnimo lagu keeney shacabka inta lagu indho sarcaadiyo habeenba hatel la camiro isla markaana warbaahinta hadalo laqwi ah xaqiiqdana ka fog in loogula haasaawo.

Isku soo wada duub Somali wexey ku maahmaahdaa dantii ma garte mara dug horteeduu dhamaadaa shirarka iyo iskooxeysiga aad dhexdiina isku urursaneysaan waxaa idinka kaga fiican in aad u midowdaan sidaad dadkiina iyo deeganadiina uga xoreyn laheydeen kooxaha 26 sano indin dul degen oo aad dariiqa ka miri la dihiin.

Daaq daaq, Daneyste iyo afar jaabloow adna dadkaada u naxariiso imaanka alah ku geliyo umada islaax dheg dhig si bulshada horumar u gaarto ugana baxdo gumeysiga ay ku jirto 2016.

shabekaha-hose

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Yasin Abicar