Ciidamada Itoobiyaanka Iyo Kuwa Dowlada oo Isaga Baxay Maanta Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

0
45

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa subaxnimadii hore ee saaka isaga baxay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Mas’uuliyiintii maamulka degmada ee dowaldda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay horay u sii raaceen ciidammadii halkaa isaga baxay.

Lama oga halka ay u jiheysteen ciidammada Itoobiya ee isaga baxay Halgan, hasse ahaatee waxaa la rumeysan yahay in u dhaqaaqeen dhinaca degmada Beledweyne oo ay ku leeyihiin saldhiga ugu weyn ciidammada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Xoogagga Al-shabaab ayeey sheegeen dadka deegaanka in markiiba ay la wareegeen deegaanka, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka rayidka ah.