Ciidamo Ka Socda Amisom oo Maanta La Geeyey Magalada Cadaado

0
21

Wararka ka imanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maanta Magaaladaasi la geeyay Askar ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidanka AMISOM ee la geeyay Cadaado ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 70 Askari, waxaan ay ka kala socdeen wadamada Jabuuti iyo Burundi oo Askartooda ay joogaan Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in qorshohooda yahay in la geeyo Cadaado Askar gaareysa 400, balse maanta ay Magaalada tageen Qeybtii ugu horeysa ee Askarta.

Ujeedka Ciidanka AMISOM ee loo geeyay Magaalada Cadaado ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Maamulka Galmudug.