Daawo Kulan Ay Isugu Yimaadeen Beelaha Shanta Caleemood oo Taageero Buuxda Lagu Siiyey Malaaqa Guud Ee Beesha Malaaq Siidow Maadow

0
110

Kulan ay isugu yimaadeen beelaha shanta caleemood ayaa maanta lagu qabtey hettel Gaabow ee magalada muqdisho waxaana kasoo qeyb galey dhamaan waxgaradka, culumaa’udiinka, haweenka beelaha shanta caleemood ku dhaqan magalada muqdisho iyo weliba degmada wanleweyn.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayey hadal isbuucii tegey kasoo yeerey koox meel isu urursadey isla markaana u gafey malaaqa guud ee beesha shanta caleemood Malaaq Siidow Maadow ayagoo ku tilmaamey hadalo aan afka u rooneyn.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa halkaasi laga aqriyey warmurtiyeed lagu taageerayo Malaaqa guud ee beesha shanta caleemood Malaaq siidow Maadow isla markaana loogu digaayo kooxaha ku shaqeeya danaha dadka aan deegaanka u dhalan.

Si kastaba arintu ha ahaatee degmada wanleweyn iyo guud ahaanba gobolka shabeelaha hoose ayaa ah gobol intiisa badan ay xoog ku heystaan kooxo kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka somaliya taasi ayaa keeneysa in dad kasoo jeeda deegaan mar walba ay noqdaan kuwo danta guud ku bedesha mid gaar ahaaneed isla markaana u ololeeya sidii gobolka iyo degmooyinkiisaba ay u noqon lahaayeen sareedo aan loo kala sokeyn halka deegaanada iyo gobolada dalka intiisa kale ay leeyihiin dadkii lahaa.