Ciidamada Dowlada oo Kaashanaaya Kuwa Amisom iyo Alshabab oo Maanta Ku Dagaalamey Deegaano Ku Tiyeegloow

0
26

Dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada alshab iyo kuwa dowladoo kashanaya amison ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaano hoos taga degmada tiyeeglow.

Taliyaha Ciidamada Dowlada ee aaga dagaalka uu ka dhacay Cabdalladhiif Max’ed Bootaan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay inuu jiro dagaalkaasi,islamarkaana iyagu ay qaadeen kana qabsadeen Al-shabaab deegaano muhiim ah.

Dagaalka Al-shabaab lagaga qabsaday deegaanada Hoostaga degmada Tiyeeglow,sida uu sheegay Mr Bootaan ayaa qeyb ka ah Howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin dhinaca alshabab oo ku aadan dagaalkaas asaga ah balse waxaa la sheegayaa in dagaalkan uu u geystey qasaaro badan labada dhinac.