Dagaalo kasoo Cusboonaadey Tuulooyin Hoose taga Degmada Tiyeegloow

0
38

Dagaallo ayaa ka socda Wadada u dhaxeeyo Tiyeeglow iyo Madaa oo ka tirsan Gobalka Bakool, dagaalladaas ayaa waxay u dhaxeeyaan ciidamada AMISON, kuwa dowladda Somalia oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Waxaa la sheegayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka dhasheen dagaalladan. Isgaarsiinta ayaa ka go’an aaga uu ka socdo dagaalka, ciidmada AMISOM ee ka socda Itoobiya ayaa socod ku maraya inta u dhaxeyso Gobolka Baay iyo Bakool, iyagoo ay la socdaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo maamulka Koonfur-galbeed.

Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow Food Cade oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey inay la wareegeen deegaanka Madaa iyo Deegaanno kale ee u dhow Tiyeeglow, wuxuu kaloo sheegay inay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ku sii siqeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay Al-shabaab ku sugan tahay.

Diiyaaradahan ayaa mar walba ka kaca garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda Mareykanka .