Kulankii Shariif Xasan iyo Beelaha Mudulood oo Si Wanaagsan Ku Dhamaadey

12
130

Masuulka Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan ayaa si hoose uga hadlay Siyaasadda uu adeegsan doono kolka ay bilaabato soo xulista Wakiilada Baarlamaanka cusub ee Maamulkiisa.

Shariif Xasan oo Muqdisho kulan Albaabada u xirnaa kula yeeshay Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda Gobolada Dhexe ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub Maamulkiisa lagu soo xuli doono Hab Beeleed, balse uu ka eegi doono Kartida qofnimo ee ay leeyihiin.

Shariif Xasan oo maalmahaan ku mashquulsan la kulanka Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa cadeeyay in Xildhibaanada cusub ee Seddaxda Gobol lagu soo dhisi doono Cadaalad.

Ganacsatada Beelaha Habargidir iyo Abgaal ayuu Shariif Xasan ka codsaday inay Gacan kasiiyaan Maamulkiisa dhanka Dhaqaalaha inta Beesha Caalamka ay kabixin doonto Dhaqaalihii loogu talagalay Seddaxda Gobol.

Shariif Xasan oo xooga saaraya in Maamulkiisa Seddaxda Gobol ay iska dhex arkaan dhamaan Shanta Beel ee Soomaaliyeed ayuu sidoo kale u balan qaaday Beelweynta Mudulood inuu siiyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Seddaxda Gobol.

12 COMMENTS

  1. qofkii shariifka wax ka sugayoow quuso hee dhulkii waxa loo qeybinooyaa 5ta beel ee somaliyeed, su,aashu waxay tahay puntland,jubaland iyo galnusland ma 5 ta beel ee somaliyeed aya lagu qaybiyay? reer koonfur galbeed idinkaa idinkaa shariifka sakiinta u dhiibayee qaleelka ha idinku xiiro

  2. Sharif Sakiin waa damiirlaawe dayuus dadkiisa iyo dagaankiisa dan ku lahayn
    Ilah ayaa badbaad aan ka rejeynayna

  3. WAA EDEB DARO UNA BAAHAN IN JAWAAB CAD LAGA BIXIYO HA AHAATO DHAN SIYAASAD IYO DHAN AWOOD INTABA, WAANA BALAN INAAN DHIIG BADAN UDAADIN DOONO SIYAASADA GURACAN EE SHARIIF SAKIIN, HADAA NAHAY BEESHA BIMAAL HORAAN GO’AAN CAD UGA QAADANEY SIYAASADA SAKIIN,NGOBOLKAAN SHABEELAHA HOOSE FLIMKIISA KAMA SOCONAAYO NAFTEENANA WAXAY DULSAARAN TAHAY GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE, CIDA QAADAN DOONO IYADEY UTAAL BALSE SAKIIN AAN ARAGNO WAXAAD BIMAAL KALA HORTAGI LAHEYD WAAN KUU DIYAAR GAROOWNEY GOOR HORE WAXA LA SUGAABA WAA SAKIIN IYO DAMACIISA XUN, CIDA DABADA KAA RIIXEYSO IYAGAA NAFTOODA KALA CARAREY GOBOLKAAN KISTA YAR EE HARAADIGA AH EE AMISOM HOOSTA UGA JIRTANA WAAN DULSAARAN TAHAY SEEFTA BIMAAL

  4. War cadiifada maad joojisaa &aflagaadada madax oo isku kalsoo naataa shariif waa shaqsi shacabkaa ka badan ee ushaqeeya somali meesha wey wada degtaa waase loo kala badanyahay ogaada taas ha ufahmina fadaralka famil ee ufahma familo kala duwan oo faro badn baa faid o ku jirta sadaa ufahansiiya bulshad ha faafinina wax laga fiica nyahay&Ficil fahma fursadiina waa taas bulshaduna ufeecan ood ku faani kartaa

  5. Fahma fursadiina oo ka faaideesta hadaad fahantaan fadaraal muxuw yaha ?ma kala fiicnaanbaa mise?ma fara badnaanbaa?mise waa fir?mise waa fikir ma fiicanya hay?

  6. xoolo ayaad tihiin
    dadkii idin lahaa ayaa idin qaybsanaya eee hadalka iyo buuqa iska daaya in ta la idin kala qaybsanayo
    marka la idin kala wareego dhulka ayaad beeraha qodi doontaan ee hada warwarka iska daaya dhulka waad ka shaqaysan doontaan idinka ayaa la idiin dhisayaa
    dhulka ee ka raali ahaa shariif

  7. scw.shcabka koonfur galbeed waxaan dhihi lahaa maslaxadooda ayakaa yaqaaniine ha isku tashadeen fadhiga haka kacaano,waayo hadaa gobolaka waxaa kusugan kuwo ciidan qaran lagu sheego ee umada isbaaro iyo dhac raaxada ooga qaaday,maamul goboleedkii amoow dhibkaasi udhaamidoonaa lahaayayne waxaa madax kanoqday nin danahiisa iyo dana sheheeyelee kasha qeeynaayo oo dhibaatadiina ay umuuqanin aniga waxaan dhihi lahaa hadii maamulkaan uusa ahey mid kashaqeeyn kara maslada shacabka iskadiida idinka maamul sameysta asla aantiina waxabo uma soco naayo hadiikale kan waa idin iibsanaa waxbo kumasoo maqna,tankale maaulda dalka kajira waxakoofur galbeed udhashay maakujiro maamulkaan maxoow dadkaas markasto oogusoo daraa waxow kuwataa danahiisa gaarka ah,marka shariif waxabo haka suginee gacmaha isqabsada oo isku tashta

  8. af kasto arak tidiisa ayaa la Toosan mucad
    nimada in ay ahaato ayaa loo bahan yahay mid ku saleysan fikir iyo ula jeedo balse Khof neceyb ka ma ahan mucarad ee waa wax kale.Runta iyo fikirkeyga aan u laabto Reer konfur Galbedow marka hore Shariif miyaa Soo dejiyey dhulkaa mise waa dad wayo wayo Degenaa?mida kale in aan xusuusano u bahan Dadkena somaliya Yurub iyo ameerica inta ay tageen ilaa meqaa sano 10 20 sano miyaa ka badan yihiin ? xadana meeqaa isku soo sharaxdey in xil ay ka Qabtaan? kuwa dhulkena degan ama is laheyn siiyey si fudur miyaa logu Tir tiri karaa? xadabo aan is edno ma xuma aan xisaabtano waa wax jira aniga waxaan Khabaa madama aan jiri shariif xasan wax aan ku bedelno waqtigan xada ah waxaa nagu xaboon in aan la wada shaqeeyno iyadoon loo kala harin 3 da muhiimka ah lagu Taageero Dhex dhaw dhiib si dhulkena iyo Dadkeena u badbaadiyo shariifna madaxweyne Noo ahaado ayaan ku gaari karnaa guusha Rabitaankeena…. mahadsanidiin

  9. farxaa shabelada hoose

    qof watow waxaan kuu sheegaya puntland ma somali oo dhan ayaa dhisatay, galmudug oo aan aqonsi haysan ma somali oo dhan ayaa dooratay iyo jubaland, maxaa koonfur galbeed keliya ugu qasbeysaa? hadii kuwaasi la wada qaybsan lahaa midan wax bay ahan laheyd laakiin koonfur galbeed beelo qaas ayaa iska leh marka idinka iska daaya cadiifada mahan dadka asalka ah , runta iyo xaqiiqda haloo hogaansamo ee umada dhibka halaga daayo

  10. Nadaara Waxaa Todobaad ka hor Magaalada London ee Dalka Ingiriiska dib ugu soo laabtay Cabduqaadir Maxamed Cashar (Nadaara) oo ahaa Afhayeenkii Maamulka Seddaxda Gobol ee Shariif Xasan.
    Dib ugu soo laabashada C/qaadir Nadaara ee Magaalada London ka sokow waxaa maalmahaanba soo ifbaxayay warar hoose oo sheegayay in Nadaara uu ka fikirayo inuu xilka Afhayeen ee Maamulka Shariif Xasan iska casilo, sababa dhowr ah darteed oo ugu horeyso Wadashaqeyn xumo iyo Mushaar la’aan mudadii yareyd uu la shaqeynayay Shariif Xasan.
    C/qaadir Nadaara oo intii uu xilka Afhayeen-nimo hayay deganaa mid kamid ah Qolalka Martida ee Madaxtooyada Shariif Xasan, ayaa qaar kamid ah Wasiirada 3-gobol marar badan ku wargeliyeen inaanu jirin wax mushaaraad ah oo la siiyo, laakin ay jirto Guno yar oo Wasiirada lasiiyo taasoo gaaraysa ilaa $120 Dollar, halka Wasiir kuxigeenkana la siiyo $60 Dollar.
    Gunooyinka lasiiyo Wasiirada iyo Wasiir kuxigeenada ayaa ah Cashuurta laga qaado Shacabka Gobolka Baay, halka lacagta Isbaarooyinka Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose laga qaado gaar ahaan Degmada Afgooye ay tahay Mushaarka Madaxweyne Shariif Xasan.
    Si kastaba ha ahaatee, waxaa shalay Mar Qura Telefishanka KALSAN dib uga soo muuqday C/qaadir Nadaara oo ahaa Afhayeenkii Shariif Xasan.
    C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara), ayaa 2-dii Bishii Maarso ee Sanadkan 2015-ka loo soo magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan.

  11. Madaxweyne Shariif Xasan oo u ogolaadey beesha Abgaal Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Amniga Degmada Wanleweyn iyo Xoghayaha Dowladaha Hoose; waxaa sidoo kale arrintaan aqbaley Wasiir Macalin Maxamuud Maxamed oo loo yaqaan Macalin Jiis oo ah Wasiirka Degmada Wanleweyn ay kuleedahay KGS-3

Comments are closed.