Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Soo Gabagabeeyey Shikii Hiigsiga 2016

0
39

Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah u soo xirey shirkii Madasha Wadatashiga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah ka socdey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qabsoomidda shirkan ay guul u tahay Soomaaliya iyo waddamada beesha caalamka ee sida dhow u la shaqeynaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii dhowaan ay soo saareen goleyaasha qaranka ee ahaa inaaney dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, aaney micnaheedu ahayn in waddanka aaney wax doorasho ah ka dhici doonin.

Xiritaanka shirka waxaa kale oo hadal ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka 3aad ee Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa la isla oggolaadey in lagu qabto dalka Turkiga, bisha January ee sannadka 2016-ka.