Ciidanka Itoobiyaanka oo maanta Duqeymo ka Geystey Deegaano Hoos Taga Degmada Buurhakaba

0
20

Diyaaradaha Dagaalka ee Qummaatiga u kaca ayaa duqeeyay deegaanno ku dhow degmad a Buur-hakaba ee Gobolka Bay, inkastoo aan la ogeyn khasaraha ka dhashay duqeyntan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay qayb ka yihiin Diyaaradaha Itoobiya ee qaybga ka qaadanaya howlgallada AMISOM ay kaga horjeeddo Al-shababaab. Iyadoo wararku intaas ku darayaan in duqeymanahan lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buurhakaba ayaa sheegay inay maqlayeen duqeynta ay geysanayeen diyaaradaha dagaalkan, waxaana la arkayay, iyagoo jawi hoos ku duulayay deegaanada ay kor marayeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka ah ay ka wadeen duqeymo deegaannada ay Koonfurta Soomaaliya kaga sugan tahay Al-shabaab, xilli dhanka kale ay socdaan howlgallo millateri oo labada degmo looga qabsaday Al-shabaab.