Waxqadabka Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka Somaliya

0
30

Wax qabadka Wasiirka oo taxane ahaa, waxaan qaybta 1aad uga hadalnay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu qabtay Xilka Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya. Qaybtaan waxaan uga hadli doonaa wixii raad ah ee uu degaankiisu ku soo kordhay isla xilliga kooban ee uu xilka haayo.

Balse, marka hore waxaan dib u milicsan doonaa qodobo aan qaybta 1aad ku soo qaadanay si aan u iftiimino sida uu had iyo goorba Mudane Farkeeti ugu heelanyahay sidii degaannadiisu ay horumar siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulshoba u samayn lahaayeen.

Mudane Farkeeti, ka mid ahaanshihiisa ergadii Shirkii lagu soo dhisay Dowladdi Federaalka KMG ahayd ee uu Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed loogu doortay Madaxwayne; waxay reebtay raad waara. Walow amaanta lala wadaago, hadana xubin firfircoon oo talo iyo tusaale xambaarsan ayuu ka ahaa eregada dhexdooda. Isaga iyo rag kale waxay kaalin mug leh ka qaateen horumarinta afka hooyo iyo ka dhaadhicinta bulshada Soomaaliyeed iyo tan Caalamkuba in shirka guushiisu ay wax wayn ka tarayso tixgelinta aragtiyooyinka siyaasadeed ee ka turjumaya degaannadiisa. Dadaal dheer ka dib waa lagu guulaystay in Afka Maayga lagu xardho Dastuurka Jamhuuriyadda.

Si kastoo ay tahayba, waxaa xusin mudane in Mudane Farkeeti uu hiil iyo hooba ka helaayay ka guul-gaarista arintaan aqoonyahanno had iyo jeer u taagan horumarinta dhaqanka iyo siyaasadda degaanka uu ka soo jeedo.

Hadaba, aan u degno dulucda qaybtaan oo aan ku soo qaadan doono sifooyinka iyo astaamaha Mudane Farkeeti hambaarsanyahay kuwaas oo dhab-ahaantii, la is-dhihi karo waa kuwo gabi ahaanba ka duwan astaamaha lagu xanto Siyaasinta kale ee Soomaaliyeed. Waxaan ku soo koobi karnaa qodobadaan hoos ku xusan:

1) Dhiiro gelinta dhaliyarada:

Mudane Farkeeti wuxuu bogga kowaad kaga jiraa, si ka duwan siyaasiyiinta kale ee la jiilka ah, ku dhiiro galinta dhalinyarada sidii ay noloshooda horumar ugu samayn lahayeen. Wuxuu had iyo goor bogaadiyaa dhalinta isagoo talo iyo gacanba aanu ka hagran. Marar badan ayuuna shirar arrimahaan ku aadan u qabtay dhalinyarada isagoo waliba waqtigiisa mug fiican ka siya, walow ay jirto in uu mashquul ku yahay arrimaha Wasaaradda. Dhiiro gelintiisa awgeed, waxaa kordhay tirada aqoonyahanno ee heerkeedu sare u kacay tan iyo inta uu xilka haayo.
Inta badan dhalintu wuxuu ku dhiiro galiyaa labadaan arrimood:

1-a) Horumarinta Xirfadooda:

Mudane Farkeeti wuxuu aad u gacan siyay dhowr aqoonyahanno oo dhaliyaro ah oo gaarayaa 30-meeyo, isagoo inta badan ka gacan siyay horumarinta xirfadahooda shaqo. Ogow, dhalintu uma kala baxsana. Halbeegiisu waa ‘qofku akhlaaq ma leeyahay, aqoon ma leeyahay, hammi ma ku jiraa, wax ma qabsan karaa.’ Haa… u hiili.’

Waxaa marag ma doonto ah inta qof nasiib u yeelatay in ay ka mid noqdaan Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay oo waliba aad u kooban. Sidoo kale waxuu gacan hagar la’aan ah ka gaystay horumarinta diplomaasiyiinta da’da yar.

1-b) Horumarinta waxbarashada dhaliyarada:

Mudane Farkeeti wuxuu sabab u ahaa tiro dhalinyaro ah oo deeq waxbarasho u sugnaatay kuwaas oo iminka ku tamashlaynaya Jaamacadaha dibadda iyo kuwa gudaha. Hiilka dhalintu uu siyo hayb iyo xigti kuma salaysna!

2) Dhiiro gelinta Siyaasiyiinta wax tarka leh:

Waxaa marag ma doonto ah sidoo kale; in mudane Farkeeti uu dhiirogalin Siyaasadeed la garab istaagay siyaasiyiin ku cusub saaxadda siyaasadda si ay kaalintooda ugu qaataan horumarinta bulshada ay ka soo jeedaan. Siyaasiyiintaan ayuu u arkaa in ay anfac ku soo kordhin karaan shacabka ay matalaan. Talo iyo tusaalayn ayuu kula dadaalayaa xaqiijinta hadafka guud ee ummada.

3) Dardargelinta Mashaariicda xaqqa ah:

Wasiirku wuxuu si-kal-iyo-laab ah isu xilqaamay hergelinta Mashaariicda wax ku oolka leh ee kaabaya dhaqan-dhaqaalaha degaannada uu ku soo jeedo. Inta uu huwanyahay mansabka xafiiska ugu sareeya Maaliyadda Dalka, wuxuu ku guulaystay hagidda mashaariic suurta galnimadoodu adkaan lahayd; uuna ku hogaamiyay degaanka uu ka soo jeedo si xaqqa saamiga ah u helaan, iyada oo aan sad bursi iyo is-dabamaris midna aan lahayn. Mashaariicda lagu fuliyay Gobollada qaar ee dalka oo aan wali lagu fulin degaankiisa ayaa tusaale kugu fulan ah.

4) U doodidda Degaankiisa:

Wasiirku wuxuu ku caanyahay u doodidda xaqa Siyaasadeed ee uu degaankiisu leeyahay. Tan oo dhaqan u ah, ayuu had iyo jeer ajandaha ku darsadaa sidii ay u muuqan lahayd barnaamij wax tar u leh meelaha uu ka soo jeedo. Wuxuu ku booriyaa dadyowga uu la kulmo hawlo u adeegaya hadafkaas isagoo xaqiijiya in ay hawlahaas ay miro-dhal noqdaan.

Hadaba, Mudane Farkeeti waa cadceed soo baxday. Saxaad daboolana ma jiro. Wuxuuna Alle Idinkii ku guulaysanaya dacaadnimadiisa iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyo, si hagar la’aan ah, horumarinta siyaasaddda, bulshada, iyo degaanka uu ka soo jeedo.

Gabo-gabo: Waxqabadka Mudane Farkeeti waxaa lagu qiray bari iyo galbeed inta u dhaxaysa ee dunnida. Waxaa intaa sii dheer dheela-tiranka uu ku wado wax-u-qabashada ummdda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan degaannada uu matalo. Warmurtiyeedkii soo baxay 29-30 July, 2015 ee shirkii ka dhacay Moqdishu si gaar ah ayuu u xusayaa waxqabadkiisa.